1503 Views

Goormee ayuu bilaaban doonaa Wareegga Koowaad ee Dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya?

Goormee ayuu bilaaban doonaa Wareegga Koowaad ee Dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay  Gudaha dalkaas  ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray  C/Fataax Axmed Oogle Goob Ganacsi oo ku taalla  degaanka Krainfontain oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika, iyaga oo dhowr xabood ku dhuftay,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in muwaadinka la dilay uu dalkaasi ku noolaa muddo dhowr sano ah,isla markaana raggii burcada ah ee ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen, iyada oo Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ay ka qaadeen qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalka Koonfur afrika weli kama hadlin dilalka joogtada ah ee dalkaas loogu geysanayo Soomalida,waxaana soo badanaya walaaca ay qabaan dadka Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment