981 Views

Dad ku dhintay daadad kusoo rogmay Bacadweyne

Dad ku dhintay daadad kusoo rogmay Bacadweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 03 2020–Khasaare Nafadeed iyo Mid Hantiyadeed ayaa ka dhashay daadad kusoo rogmay degaanka Bacadweyne ee gobolka Mudug Sidda uu Risaala u xaqiijiyay Wasiirkii hore ee degaanka Galmudug Maxamed Xuseen.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in labo ruux ay ku dhinteen daadka kusoo rogmaday deegaanka, islamarkaana guud ahaan ay barakaceen Shacabkii kunoolaa halkaasi.
Waxaa uu sheegay in Khasaaraha ka dhashay uu yahay aan lasoo koobi karin qaasatan mida duunyo iyo agab ee xaafadaha biyuhu wali dheh ceeqaagaan.
Waxaa uu xusay in aysan jirin wax gurmad ah oo wali kasoo gaaray dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug.
Waxaa uu si guud baaq ugu baaqay dhamaan inta samaha jecel ee u danqaneysa dhibaatada ku habsatay walaalaha reer Bacadweyne, gaar ahaan dowlada federaalka Soomaaliya wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka iyo dowlad goboleedka Galmudug oo ay arintaan si gaar ah ay u taabaneyso in ay si deg deg ah uga falceliyaan dhibaatada ka dhacday degaanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment