984 Views

Cali khayre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday uu dalka ku sii wado godmadow.

Cali khayre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday uu dalka ku sii wado godmadow.
____________________________________________________________________________

.

April 12-4-2021

Ex. Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haatan warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu dalka ku sii wado godmadow.

Mr. Khayre ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo mudda kororsi aan sharciga waafaqsanayn, kaas horseedi doona fowda iyo burbur ay adagtahay in dib looga soo kabto.

Murashax Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidanka dowaldda Federaalka uu soo kala dhex-galay shaki iyo aaminaad la’aan sababtay in aysan wada-shaqayn, taasina ay caddayn u tahay wixi saaka dhacay.

Sidoo kale Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in wax kasta oo maanta dalka ka xumaada uu mas’uuliyadooda qaadan doono madaxweyne Farmaajo islamarkaana aysan cidna la wadaagin

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post