582 Views

Israa’iil oo bnaaraysa lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ka baxsatay Xabsi

Israa’iil oo bnaaraysa  lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo  ka baxsatay Xabsi
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa bilaabay baadigoob xooggan kaddib markii lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay habeenkii ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo.

Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, kaddibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa.

Saraakiisha ayaa waxaa wargeliyay beeralay arkay raggaas oo bannaanka ordaya.

Raggan baxsadka ah ayaa waxaa ku jira hogaamiyihii hore ee maleeshiyada Shuhadada Al-Aqsa iyo shan xubnood oo ka tirsan ururka Islamic Jihad

Sarkaal ka tirsan adeegga jeelasha ee Israa’iil ayaa baxsadkaas ku tilmaamay “guuldarro wayn oo dhanka ammaanka iyo sirdoonkaba ah.” Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay “halyeynimo”.

Waxaa la yeeriyay gambaleelka digniinta ee Xabsiga Gilboa, oo ah mid si wayn loo ilaaliyo oo ku yaal waqooyiga Israa’iil loona yaqaan “goobtii ammaanka aheyd”, kaddib markii mas’uuliyiintu ay war ka heleen beeralay maxalli ah, kaas oo ku saabsanaa inay arkeen “dad ay ka shakiyeen” oo jooga meel u dhaw beero halkaas ku yaal.

Markii howlwadeennada jeelka ay bilaabeen inay maxaabiista tiriyaan 4:00 subaxnimo (01:00 GMT) waxa ay ogaadeen in lix masbuux ay maqan yihiin.

Falastiiniyiinta ayaa la rumaysan yahay inay ka baxsadeen qolka xabsiga ee ay ku wada jireen halkaas oo ay god ka qodeen musqushiisa. Wargeyska The Jerusalem Post ayaa ku warramay inay qoditaanka u adeegsadeen qaaddo daxalaysatay oo ay boor hoostii ku qariyeen.

Godka ayaa waxa uu ku sii xiray dhul qodan oo ku hoos yaal xabsiga kaas oo la sameeyay markii jeelka la dhisayay.

Maxaabiista ayaa la rumaysan yahay inay godkaas mareen oo ay markii dambana ku gaareen dhinaca shishe ee darbiga xabsiga, kaddibna ay qodeen kanaal dhulka hoostiisa mara oo ku soo beegmay bartamaha dhabbe jid-cadde ah oo bannaanka xabsiga mara.

Shirkadda Shin Bet ee dhanka ammaanka ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in maxaabiista ay xiriir la lahaayeen dad joogay bannaanka xabsiga markaas oo ay adeegsadeen mobile loo soo dusiyay, markii ay soo baxsadeen kaddibna lagu qaaday gaari

Lix xubnood oo uu ku jiro Zakariya Zubaydi, taliye hore uga tirsanaan jiray maleeshiyaadka Falastiiniyiinta ee Shuhadada Al-Aqsa ee magaalada Jenin ee Daanta Galbeed, iyo weliba shan xubnood oo ka tirsan Islamic Jihad.

Afar ka tirsan xubnaha Islamic Jihad ayaa waxa ay ku xukunnaayeen xabsi daa’im kaddib markii loo xukumay inay qorsheeyeen oo ay ku fuliyeen weerraro lagu dilay Israa’iiliyiin, halka ninka shanaadna xabsiga lagu hayay muddo laba sanadood ah isagoon wax eedayn ah loo soo jeedin, markaas oo ay mas’uuliyiintu adeegsanayeen waxa loogu yeero amar xabsi oo maamulka ka soo baxay, sida lagu sheegay warbaahinta Israa’iil.

Zubaydi ayaa waxa ay ciidammada Israa’iil xireen sanadkii 2019 markaas oo loogaga shakiyay inuu ku lug lahaa dhowr weerrar oo toogasho ah haatanna waxaa socotay maxkamadayntiisa.

Booliska xadka Israa’iil iyo milateriga oo ka qeybqaadanaya baadigoobka ayaa lagu soo warramayaa inay sameeyeen jidgooyooyin si ay raggaasi uga hor istaagaan inay gaaraan Daanta Galbeed ee la haysto ama Urdun oo halkaas u dhaw, halkaas oo qiyaastii 14km bariga ka xigta xabsiga Gilboa.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa waxa uu la hadlay wasiirka ammaanka dadweynaha Omer Bar-Lev waxa uuna “ku adkaystay in tani ay tahay dhacdo halis ah oo ay tahay in lagu wajaho dedaalka dhammaan ciidammada amaanka” si loo soo helo dadkaasi baxsadka ah.

Islamic Jihad ayaa dhacdadaas xabsiga loogaga baxsaday waxa ay ku tilmaantay mid “halyeeynimo ah” waxa ayna sheegtay inay arrintaasi “walwal gelin doonto hannaanka difaaca ee Israa’iil”, halka afhayeenka Xamaas Fawzi Barhoum uu sheegay inay aheyd “guul wayn” oo caddaynaysa “in rabitaanka iyo go’aanka askartayada geesiyaasha ah ee ku jira xabsiyada jeelasha cadawga aanan la jabin karin”.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post