249 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas

Madaxweyne Xasan Sheekh oo  kulan la qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas
____________________________________________________________________________

.

 Axad: January 29, 2023 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaannada.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey dalka Mareykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan gobolka.

Xasan ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cuna-qabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib-udhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyay Danjire Linda Thomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas.

Ergayga Mareykanka u fadhida QM ayuu sidoo kale wuxuu madaxweynaha ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan ololaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa dhankeeda ku bogaadisay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la-dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen

Waxay soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post