1629 Views

Cali Guudlaawe oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga

Cali Guudlaawe oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga
____________________________________________________________________________

June 17 2021

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gellinkii dambe ee maanta booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Xubnaha wafdiga waxaa kamid Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Istanbul

Soo dhaweynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka qeybqaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul, Ganacsato, haween, Dhallinyaro iyo qeybaha bulshada.

Sidoo kale Cali Guudlaawe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Istanbul, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga uu kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka Turkiga iyo Jaaliyadda Hirshabeelle ku nool magaalada Istanbul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post