771 Views

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Dubbe oo si kulul ugu jawaabay dowladda Imaaraadka Carabta..

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Dubbe oo si kulul ugu jawaabay dowladda Imaaraadka Carabta..
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Saacado kadib markii dowladda Imaaraadka Carabta ay ku tilmaantay Dowlada Somaliya mid waqtigeeda dhamaaday ayaa waxaa arintaas jawaab kulul ka bixiyay  Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.

Dube oo  goor dhow shir jaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga fal-celiyey sida ay dowladda Imaaraadka Carabta uga hadashay isku dhacyadii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

warbixin ka soo baxday Dowladda Imaaraadka Carabta  shalay ayaa looga hadlay isku dhacyadii ka dhashay banaanbaxyadii ay Jimcihii soo abaabuleen musharaxiinta mucaaradka ah, waxayna  dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid ku meel gaar ah.

Wasiir Cismaan Dubbe wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya loogu yeero ku meel gaar, isagoo sheegay inay dowladaha kale ee carabta ka soo gaareen hambalyo ku aadan sidii ay dowladdu ula tacaashay wixii dhacay maalintii Jimcaha ee aan soo dhaafnay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post