3438 Views

Muddo kordhin aan xuduud lahayn !

Muddo kordhin aan xuduud lahayn !
____________________________________________________________________________

By: Mustafa Salad Awale

Ocktober 15, 2021 |Toronto| Madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa nin qar iska tuurnimada xariif ku ah aqoon badana u leh kooxaha ka soo horjeeda, markuu muddo aamusnaado wuxuu ku bilaabaa inuu shido iyagoo islamarkiiba ka daba qaata, kedibna shib u yiraahda isagoo ulajeedada uu ka leeyahay ay tahay inay soo tuuraan ereyo xanaf leh ama dhaar ka dhacda ragga mucaaradka ku ah ama tartanka la geli doona.

Markii ugu horeeysay uu damacsanaa inuu muddo kororsado xilligii doorashadana u soo muuqday baarlamaankii ayuu ku diray ra’isulwasaarihii shaqada dalka wax badan ka soo qabtay waqtigii ugu badnaana la soo shaqayay iyadoo waqti yar qaab sharci darro ah ay golihii sacabka yiraahdeen xukuummadiisii waan ku ridnay isagoo loo sababeeyay in doorasho waqtigeeda ku dhacda dalka laga qabto, laakiin isla kooxdii Farmaajo mucaaradka ku ahayd oo aan fahmin ulajeedada Farmaajo ayaa taageeray go’aankaas gacantana u taagay, kedibna isla iyagii ayuu ku mashquuliyay inay ka doodaan ra’iswasaaraha qaabkii lagu riday dacaayadiisana ku jeediyay, doorasho warkeediina meel la iska dhigay.

Markuu xafiiskii baneeyay ra’isulwasaare Khayre, Farmaajo Wuxuu isaguna meel iska dhigay inuu ra’isulwasaare kale isku mashquuliyo, wuxuuna magacawday markii ugu horeeysay arin ku cusub nidaamka Soomaaliya ra’isulwasaare ku meel gaar ah, isla kooxdiina waxay iyaguna ku mashquuleen muddo laba bilood ah hebel ayaa la keenayaa iyo hebel u malayn maayo, isagoo aan u malaynayo inuu mid meel ku ogaa, laakiin cabaad iyo qaybtii 4.5-ka ka maqan ayay warbaahinta uga mashquuleen ilaa ay gaareen heer ay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni uga dacwoodaan Farmaajo inuu uga soo dhiciyo kursiga ka maqan, iyagoo dhanka kale mid waliba uu sugayay mid ku jufo ah ama kaga dhow kan kkale inuu Farmaajo soo tuuri doono, doorasho doodeeda iyo warkeedaba daaye.

54 maalmood kedib uu uga dan lahaa inuu waqtiga xilkiisu dhamaanayo sii cusleeyo ayuu ra’isulwasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aad u af gaaban, xafiis gabaabsi ah wax ka jirana war u hayn laguna yiri xil kalama wareegi kartid masuulkii kaaga horeeyay ayuu Farmaajo ku buuxiyay xilkii maqnaa.

Ra’isulwasaare Khayre oo ahaa ra’isulwasaarihii ugu caansanaa Soomaaliya ahaana nin aad u muuqaal, shaqo iyo cod waynaa waxaa bedelay Rooble oo islamarkiiba u ekaaday arday fasal cusub arday is wada taqaana soo dhex fadhiistay laguna yiri wasiiradan howsha soo waday waqti lagu bedelo lama hayo qaarkoodna xitaa adigu talo kuma lihid, taasoo aad uga duwanayd qaabkii Khayre xafiiska ku qabtay oo ahaa xafiis faaruq ah iyo xilal cusub uu isagu dhismaha ku bilaabay 2017 & gole wasiirro oo isagu madax u yahay.

Islamarkiiba waxaa warbaahinta qabsaday abtirsiimadiisa, hambalyadiisa, kooxdiina qaasatan reerkii Rooble ka dhashay waxay ku sii jeesteen inay Villada oo ay ciil badan u qabeen safaf dhaadheer u galaan sawirana la galaan Eng. Rooble, Farmaajana shaah kulul ayuu u shubtay maadaama reerkii ugu qaylada badnaa ay ka maqsuudeen kursiga halkaana uu ka helay muddo kororsi farxad iyo damaashaad wata oo villada ka biloowday ilaa sanadka 2020-ga uu uga gudbi karo qaab kulamo iyo wasiiro la dhiso, february 2021-na ogaa inaan doorasho lagu qaban karin waqtigan ciriiriga ah maamul goboleedyadiina xiriirkii uu u jaray mar hore, ra’isulwasaarihii howsha wadayna meesha ka baxay, doorasho warkeedana daa.

Markuu arkay inay naftu ku soo noqotay oo ay degeen wax doorasho ka hadlayana aysan jirin, ayuu mar kale shiday intuu baarlamaankii shiriyay ku yiri laba sanno ayay iigu dareen taasoo aan ogayn inuu Rooble xitaa raali ka ahaa haddii ay u suurta galayso inuu laba sanno iska sii fadhiyo xafiiska shaahna kula cabo kooxdii mucaaradka ahayd oo xilligii Khayre shaaha ka caaganaa madaxana soo gelin jirin ogaayeena inuu ahaa nin go’aan leh dowladnimaduna ka go’do loona sheeko xariirayn karin doodaha qaarna aan lala hortegi karin.

Kooxdii mar kale ayuu cirka ku shareeray kedib markuu baarlamaankii hor tegay yirina waqtigaa igu yar ee ii farsameeya muddo kordhin, kooxdii doorashada ku iloowday kursigii loo magacabaayay waxay bilaabeen dhaar iyo banaanbaxyo ay ku diidan yihiin muddo kororsiga, ogoow kooxdu iskuma jirin koox yar iyo musharixiintooda ayay daacad ka ahayd inay ka soo horjeestaan muddo kordhinta, laakiin qayb badan qaasatan kooxda Rooble muddo kordhinta dhib badan kuma qabin waayo waxay ogaayeen inaysan weli qoyin waqtiga la keenay Rooblana uu aad ugu yar yahay waxayna rabeen in xoogaa waxyara jiitamaan, doorasho la soo hadal qaadana dhibsanayeen.

Villada ayuu u fariistay Kedibna ku soo kiciyay ninkii Rooble ahaa yirina u tag tolkaa una sheeg inaan ka noqday muddo kordhintii wax walbana adiga kugu wareejiyay.

Mar kale ayay haddana faan bilaabeen iyo (Nuur Cadde 2.0) ayaa soo birqahaya, waxaa mashquul lagu noqday u hambalyeeynta Rooble iyo la heloow waa ku sirmay Farmaajo iyo faan uu waqti kale u helay inuu ku mashquuliyo kooxdii Geela, kedibna magacii la heloow loogu bedelay Nabadoon koofi iyo Shaarar lagu sheegay Shaarka nabadoonkana loogu lebisay igaarkii Rooble ahaa.

Farmaajo wuxuu helay waqti kale uu ku diyaarsado qorsho kale, Rooblana wuxuu ku wareejiyay shirarkii doorashada oo ugu dambayn intii la isku ogaa ee Farmaajo ay ka diidanaayeen oo Rooble saxiixay lagu heshiiyay waqtina loo qabtay doorashadii taasoo Farmaajo ku helay muddo kordhin sharciyaysan oo aan xuduud lahayn.

Maadaama Farmaajo buuqii doorashada uu ka degay Rooble .. Rooble .. Rooble reerkiiyoo dhan ku mashquuleen, arin murugo leh una ekayd qorshe la soo abaabulay buuq kalana abuuri karta ayaa ka dhacay hay’addii nabad sugidda, islamarkiina waxaa biloowday kacdoonkii Ikraan Tahliil oo ah arimaha Farmaajo & Fahad ay xariifka ku yahiin jihaynta & mashquulinta shacabka, arinka Ikraana noqday waqti kale oo ku darsoomay xilkii Farmaajo, doorashadiina meel la iska dhigay.

Farmaajo oo ah nin qar iska tuur ah kooxdan qar iska tuurka ahna aqoon badan u leh wuxuu diyaarsaday falkii uu kula kici lahaa Rooble oo ay xafiiskiisa safaf ugu jiraan taladana ka qaato ragga uu Farmaajo ugu neceb yahay siyaasiyiinta Soomaalida, talada ay Rooble siinayaana ogaa halka ay ku dhamaan doonto oo ah inuu yiraahdo Fahad Yaasiin ayaan xilka ka qaaday, laakiin Farmaajo islamarkiiba waa ogolaaday xil ka qaadista Taliyihii NISA Fahad Yaasiin shaqadii doorashada ee socotayna halkaa ku hakatay taasoo Farmaajo danta ugu jirtay ay ahayd inay u muuqatay in muddo kororsigu xadka ka sii baxayo marka ay madaxa isla galaan isaga & ra’isulwasaaraha.

Waxaa bilowday waraaqo wiiftooyin ah oo gelinka dambe maalintii iyo saqda dhexe habeenkii soo kala baxa, iska hor imaadkii Farmaajo & Khayre xilligii doorashada oo la ogaa inay doorashadii dib u dhigtay, wuxuu helay Farmaajo markaan jid kale oo fudud.

Maadaama dalka uu ka jiro baarlamaan aan shaqayn karin kii 11-aad qayb ka mid ahna la doortay suurtagalna ahayn xil ka qaadis Rooble lagu sameeyo, Rooblana magacaabis xilal sare ay muran sharciyeed ku dhalin karto wuxuu isla markiiba magacaabay taliyaha NISA oo ka mid ah rag lagu tuhunsan yahay kiiska Ikraan Tahliil isagoo og inay qatar geli karto dowladnimada la soo dhoodhoobayay haddii Rooble iyo kooxda la talisa ay kula taliyaan inuu xoog kaga hor yimaado taliyaha uu magacaabay, taasoo danta uu ka lahaa markan ay ahayd tijaabo madax isu gelinta qabaa’ilka Muqdisho xaalkana u ekeeysiiyo nin jabhaddii USC ka hor taagan dowladnimada curdanka ah, shacabkana uu isu tuso inuu yahay ninka dalkaan loo doortay carqaladna ay ku hayaan reerka magaalada degan, islamarkaana u ekaado nin dulman oo difaac adag kula jira dagaal oogayaal is aruursaday iskana soo horjeeda kana difaacayo inay dalka dib ugu celiyaan wixii xilka lahaa ee laga soo gudbay maadaama uu sharciyad u leeyahay magacaabista taliyayaasha ciidammada, xalinta xaaladdaasna ay cagajiid kale ku keeni karto in doorasho laga hadlo.

Intaan la gaarin Oktoobar 12-keedii wuxuu mar kale ku furay shaqaaqo laga abaabulay Galmudug oo noqon karta maamul kale oo doorashada dib u dhigi kara colaad iyo heshiisiintooda inta lagu mashquulsan yahay ama sida Gedo & Beledwayne kala taagnaan kara iyo iyadoo arintii Badda guusheeda iyo falanqaynteeda la galay iyo hebel cimaamad ayaa loo saaray waana la xaal mariyay, kuwa kale oo ka mid ah raggii arimaha Badda lagu tunsanaana ay madaxa isla galeen, halkaasna uu ka daawanaayo rag isku herdinaya hebel ayaa maxkamad geeyay dacwada Badda iyo kuwa kale oo ku doodaya inaan la’aantood Badba laga hadleen haddii aysan heshiis saxiixin hebelna waa nala ogaa, Farmaajo koox dhan oo ka soo horjeeday ayuu daaqadaha isugu furay xaalkiina waxuu isu bedelay damaashaad iyo is aflagaadayn kooxo uu soo abaabulay iyo kooxdii mucaaradka ku ahayd ka dhex bilawday doorashadiina daaqadaha laga xirtay.

Markii aan xaalkan cakiran cidda sii murjinaysa baaray waxaa ii soo baxday in doorashadan aan xadka lahayn sababteeda ugu wayn uu leeyahay ra’isulwasaare Rooble oo ama qaab ula kac ah fadhiid isaga dhigaya waqtigan qasaarayana dhib shaqsiyan ah u arag ama uu maqan yahay caqligii fahmi lahaa cadawga ugu wayn ee Farmaajo oo ah in doorashada la dedejiyo, taasoo ah xalka keliya ee lagu badbaadin karo wadankan sii tabar beelaya !

By: Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post