1473 Views

Dadka degaanka Yaaq-bariweyne oo Cabasho ka ah Ciidanka Danab

Dadka degaanka Yaaq-bariweyne oo Cabasho ka ah Ciidanka Danab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2019–Odayaasha degaanka Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Saldhigooda uu yahay degaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qaar ka mid ah Odayaasha degaanka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Ciidanka si joogto ah ay howlgal kaga fuliyaan degaanka, islamarkaana ay xir xiraan qaar ka mid ah dadka degaanka ka dibna Saacado badan oo ay heystaan qaarkood soo daayaan.

 

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lacago ay ka qaataan goobaha ganacsiga ee ku yaalla degaanka inta ay ku jiraan howlgallada ay ka sameynayaan degaanka.

 

” Ciidanka Baangarafta ee ku sugan Balidoogle waa na dhacayaan aad ayaan Cabasho uga nahay Dukaanada ayay galayaan, Guryaha ayay galayaan meesha maamul malaha, dhibaatada ugu weyn ayaa ah in Hantidii degaanka ay qaadanayaan  Ciidankaasi, waana diideen in ay na qaabilaan” ayuu yiri Mid ka mid ah dadka degaanka.

 

Waxaa uu xusay in Hanti badan ay qaateen Ciidanka Danab,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in si deg deg ah wax looga qabto.

 

Waxa ay sheegeen in ay yihiin dad isugu jira Beeraley, Ganacsato iyo Xoololey, islamarkaana Saraakiisha Ciidanka dowladda aysan ka jawaabin Cabashooda.

 

Ma jirto Ilo Madax banaan oo xaqiijin kara Cabashadda ay soo gudbiyeen dadka degaanka, waxaana wali noo suurtagalin in aan helno Taliyeyaasha Ciidanka Danab ee Saldhigoodu yahay Balidoogle.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment