960 Views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo dhagax dhigay degmada Feer-feer Ceel biyood Riig ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo dhagax dhigay   degmada Feer-feer Ceel biyood Riig ah.
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Isu duwaha Wasaaradda Tamarta iyo biyaha Gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jabriil ayaa maanta degmada Feer-feer ee Gobolka Hiiraan ka dhagax dhigay Ceel biyood Riig ah.

Munaasabadda dhagax dhigga ceelkaasi Riiga ah ee degma Feer-feer waxaa goobjoog ka ahaa ee Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey Saraakiil ciidan Ganacsato iyo qeybaha bulshada degmada Feer-feer.

Hirgilinta Ceelkan oo durba maanta qodistiisa billaabtay ayaa ku yimid dadaal wada jir ah oo aay sameeyeen guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin oo watqi Maal iyo Maskax ku bixiyay horumarka degmada Feer-feer, waxaana iska kaashana dhismaha ceelkaasi Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada degmadaasi kasoo jeeda.

Qodista Ceelkaasi ayaa qaadan doonta muddo 20-cisha ah waxaana la qodi doonaa 120-Mitir sida uu xaqiijiyay Cabdi Fitaax Faarax Fiidoow oo ah madaxda Campaniga fulinaya mashruuca Ceelka Biyoodka Riiga ah.

Guddoomiyaha Degmada Feer Feer Maxamed Beyle iyo Odayaasha degmada ayaa soo dhaweeyay Hirgilinta Ceelbiyoodkaasi, waxeeyna u Mahadceliyeen maamulka iyo Ganacsatada gacan ka geestay in degmada Feer-feer laga helo Ceel biyood.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow Haaruun guddoomiyaha guddiga fatahaadda Beledweyne, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Hiiraan Maxamed Ibraahim Goosaar Ganacsato iyo gaadiidleeyda gobolka oo hadlay ayaa dhankooda soo dhoweeyay horumarka degmada feer feer ka socda, waxeyna ballan qaadeen in aay maalgashan doonaan degmadaasi.

Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin Agaasimaha Waasaradda biyaha iyo tamarta Gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jabriil iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda mamaulka gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Madeey ayaa iyana dhankooda guul Taariikhi ah ku tilmaamay qodista ceelkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo munaasabadda soo xeray ayaa alle ka baryay in Ceelkaasi biyo macaan uga soo saaro bulshada degmada Feer-feer oo baahi weyn u qabta helista biyo macaan.

Degmada Feer-feer waxaa ku nool dad ka kooban xoolo dhaqato iyo Beeraleey waxaana hadda dadka degmada kunool biyaha aay ka helaan deegaanka Ceelgaal oo qoyaastii 30-Km Koonfur kaga beegan degmada Feer-feer kuwaasi oo halkii fuusto lakala siisto lacag u dhaxeeysa 5$-illa 10$ taasi oo aaysan dadka awoodin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post