264 Views

Puntland oo sheegtay inay soo baxeen Kooxo khalqal gelinaya Amniga magaalada Garoowe

Puntland oo sheegtay inay soo baxeen Kooxo khalqal gelinaya Amniga magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho|Qol| 20-11}2022Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal  ee Puntland ahna ku-simaha taliyaha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile ( Fardafuul ) ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga ee guud ahaan gobolka iyo howl-gallo amni sugid ah oo Garoowe laga sameeyey.

Taliye kuxigeenka ayaa sheegay in xilligaan xaaladda amni ee Magaalada garoowe ay tahay mid wanaagsan balse kaliya ay dhibaato ku hayaan dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku sugan meelo kamid ah magaalada Garoowe.

Shir jaraa’id oo taliye kuxigeenku ku qabtay magaalada Garoowe ayuu sidoo kale sheegay in ragga isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo hubeysan ay dhibaato iyo khalqal gelin amni ka wadaan magaalada garoowe.

Ugu dambeyn Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal  ee Puntland ahna ku-simaha taliyaha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile ( Fardafuul ) ayaa sheegay in ay xalay rasaas is dhaafsadeen rag huebysan oo kamid ah Kooxii isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana ay ka horagayaan cid kasta oo khalqal gelineysa amniga.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal  ee Puntland ahna ku-simaha taliyaha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile ( Fardafuul ) ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah Shacabka magalada garoowe ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geysnayay.

Xafiiska Qaranimo | Moqdisho

Muqdisho|Qol| 20-11}2022————————————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post