1317 Views

Dowladda Soomaaliya oo joojisey duulimaadyada Caalamiga ah

Dowladda Soomaaliya oo joojisey duulimaadyada Caalamiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Xubnaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya Xasan Cali kheyre ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la joojiyo duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo kuwa ka baxa.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in si looga digtoonaado Cudurka Coronavirus la joojinayo duulimaadyada Caalamiga ee yimaada soomaaliya iyo kuwa ka baxa dalka laga bilaabo 18 Bishaan muddo 15 Maalin ah.

 

 

 

Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in ay dowladda mudnaan gaar ah siin doonto diyaaradaha wada howlaha gargaarka Bani’aadanimo.

 

Tallaabada Maanta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ku joojisey Duulimaadyada Caalamiga ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta kiiskii ugu horreeyey ee Cudurka Coronavirus laga helay Magaalada Muqdisho

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment