120 Views

Guddiga Arrimaha Dibada ee golaha shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Guddiga Arrimaha Dibada ee golaha shacabka BJFS oo kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay wasiir Dowlaha Wasaardda Arimaha dibada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Cali cumar (Balcad oo ay wahlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo Khuburo iyo agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga xil. Aweys Xuseen Macalim iyo Xoghayaha Guddiga Xil.Sayid Cali Isaaq, waxa goob joog aha xubnaha Guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka doodista heshiis Beenaadkii ay Dowlada Itoobiya la gashay maamulka Soomaaliland.

Xubnaha guddiga oo door kooda ku aadan heshiis beenaadkaasi ayaa wasaaradda u sheegay mowqifkooda ah in taako kamid ah dhulka Soomaaliya aan gorgortan laga galin. Iyaga oo su’aalo ka wayeeydiiyay ka wasaarad ahaan tilaabooyinka ay qaadeen iyo sababta uu wali dalka u u joogo Safiirka Itoobiya.

Wasiir Dowlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaardda arimaha dibadda ayaa mid mid ugu jawaabay waydiimaha Guddoonka iyo xubnaha Guddiga, iyagoona faahfaahiyay dhammaan su’aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka ayaa soo xiray kulanka maanta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post