54 Views

Guddoomiye Madaale” Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah “.

Guddoomiye Madaale” Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah “.
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan wax naxariis ah lahayn.

Mudane, Madaale oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay bandhigga suuq weynaha Muqdisho ayaa intaa ku daray in dad masaakiin ah oo carruurtiisa usoo shaqa tagay bam loo dhigo laguna dilo ay tahay wax Islaamnimada ka fog.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in musiibadii shalay ka dhacday Bakaaraha aynu ku weynay dad badan oo qiimo lahaa, kuwaas oo isugu jira noocyada bulshada, wuxuuna Alle ugu barrayay naxariis.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay suuq weynaha Muqdisho oo maanta ka furmay Caasimadda, isagoo ku tilmaamay fursad shaqa abuur ah oo kusoo bbiirtay magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada oo uu ku tilmaamay lafdhabarka bulshada ayuu guddoomiyuhu faray in ay ku dedaalaan wax dalkooda iyo dadkuba kobcinaya qurxiyana mustaqbalkooda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post