252 Views

Ciidanka xoogga dalka oo deeq rashiin ah gaarsiiya degaanada laga xoreeyay Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka oo deeq rashiin ah gaarsiiya degaanada laga xoreeyay Alshabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: September 26, 2022

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha lagula dagaalayo argigixisada Al-shabaab ayaa haya howlo qaran oo taariikhi ah iyaga oo gacanna garab ku siinaya shucuubta kala duwan sidii loo xoreyn lahaa deegaannadooda ay argigixisadu cunaqabateysay halka gacan kalana ay mucaawino iyo gargaar ku qeybinayaan meelaha la xoreeyey si loo daryeelo dadka ay isku biirsadeen abaarta iyo dhibaatooyinka ay muddo dheer ku hayeen Al-shabaab.

Ciidamada qalabka sida oo mar qura gulufka baacsiga argigixisada ka wado deegaanno ku yaallo maamullada dalka sida Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland  ayaa la arkayaa iyagoo oo gargaar iyo adeegyo kale gaarsiinaya deegaannada la xoreeyey taas oo soo afjartay cunaqabateynta, meesha ka saareysa baaddii ay qaadi jirtay argigixisada isla markaana keeneysa in ay dib ugu soo laabtaan deegaannada dadkii ku barakacay dalka gudahiisa iyo kuwii qaxootinnimmo u galay dalalka dariska.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta guluf lagu soo afjarayo argigixisada Al-shabaab, laguna adkeynayo qaranka iyo dowlad dhiska, nabadd iyo xasiloonida, sahlayana baahinta maamullada iyo weliba adeegyada kala duwan ee ay dadka helaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post