936 Views

Aadan Barre Ducaale “Ma akhriyo jawaabaya laga bixiyo waxa aan Facebook soo dhigo

Aadan Barre Ducaale “Ma akhriyo jawaabaya laga bixiyo waxa aan Facebook soo dhigo
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 202

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee Kenya oo hadal ka jeediyay shirka aragtiyada ee Heritage ee Jabuuti ka socda ayaa ka hadlay Baraha Bulshada, wuxuuna sheegay in ay leeyihiin wanaag iyo xumaanba.

Aadan oo ka mid ah dadka aadka u adeegsada baraha bulshada gaar ahaan Facebook ayaa qirtay in uusan akhrinin jawaabaha (comments) laga bixiyo waxyaabaha uu soo dhigo, isaga oo dadka kale ee siyaasiyiintana uga digay in ay akhristaan jawaabaha.

„Haddii aad akhriso dhiig kar ayaad ka qaadaysaa, inta wax lasoo dhigo ayaa laga jiiftaa” ayuu yiri Aadan Barre oo sidoo kale sheegay in madaxweynaha Kenya uu xiray ciwaanadiisii Facebook iyo Twitter maadaamaa uu u adkaysan waayay jawaabaha taban ee laga bixiyo waxyaabaha uu soo dhigo.

Ducaale ayaa sheegay in Baraha Bulshada ay yihiin kuwa aad u wanaagsan, islamarkaasna loogu doodo xuquuqda insaanka, la xisaabtanka, la dagaalanka Musuqa iyo u doodista xuquuqda dadka laga tirada badanyahay.

„Kenya hadda waxa ay leedahay xeerka la dagaalanka dambiyada Internetka (cyber security) , kaas oo lagula xisaabtami karo dadka wararka been abuurka faafiya” ayuu yiri Ducaale oo dhanka kale qirey in Baraha Bulshada ay leeyihiin dhinac xun.

Aadan Bare ayaa Facebook-giisa waxaa ku xiran wax ka badan afar boqol oo kun oo qof, marka uu wax soo dhigana waxaa laga bixiyaa boqolaal illaa kumanaan jawaabood oo dadka ku kala aragti duwanyihiin.

Ducaale waxaa madasha la fadhiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, kaas oo ka mid ah dadka aadka u adeegsada Facebook-ga, hase yeeshee aysan dad badan jawaabo ka bixin karin qoraaladiisa maadaamaa ay u muuqato in laga xirey qeybtiisa jawaabaha, keliya waxaa soo muuqa jawaabo aad u kooban oo u eg in lasoo xulay.

Jawaabaha kasoo muuqda barta Mustafe ayaa u badan kuwa togan oo madaxweynaha ku raacsan hadba fikradda uu markaasi gudbinayo. Waxayse dadka awoodaan in ay ka falceliyaan sida falcelinta jamashada, jeclaanta, layaabka iyo qosolka oo lagu muujinayo qaab astaamo sawiran ah.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post