1356 Views

Kenya oo qiratay in looga adkaaday suuqa Qaadka Soomaaliya

Kenya oo qiratay in looga adkaaday suuqa Qaadka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa suuq cusub oo Ganacsiga Qaadka ah ka raadinaya dalalka Jabuuti iyo Mozambique kaddib markii ay sheegeen in Ganacsatada Qaadka Itoobiya la wareegeen Suuqii Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadka Kenya Kello Harsama, ayaa Warqad u diray Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Kenya.

Warqaddaas ayuu ku codsanayay in Dowladda Kenya ay ka shaqeyso sidii Suuq cusub oo Qaad ah looga heli lahaa Afrika isaga oo sheegay in Suuqii ugu weynaa ee Soomaaliya ay ka buuxsameen Ganacsatada Qaadka ee Dalka Itoobiya.

Guddi ay sameysteen Ganacsatada Qaadka Kenya oo sahmiya suuqyada iyo halka ay marayaan ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaalida ay inta badan u wareegeen Dalka Itoobiya halkii ay Qaadka ka iibsan lahaayeen kuwa Kenyaanka ah.

Wafdi ka socda Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa tagay Itoobiya,waxaana ay soo ogaadeen in Dalka Jabuuti oo kaliya ay Itoobiya maalin kasta u dhoofiso 16 Tan oo Qaad ah, waxaa intaas u dheer Soomaaliya sida Somaliland, Puntland iyo meelo kale oo dowlad degaanka SOomaalida sohdin la leh.

Guddiga ayaa sheegay in Qaadka Miiraa ee Kenya uusan jirin Qaad ku tayo ah,gaar ahaanna midka dlka Itoobiya,waxaase ay sheegeen in Ganacsatada Qaadka Itoobiya ay ku howllanyihiin sidii ay suuqa Soomaaliya u wada qabsan lahaayeen.

Wasaaradaha Arrimaha dibaddam Beeraha iyo  Rugta Ganacsiga Kenya ayuu Guddiga ka dalbaday in ay la kulmaan mas’uuliyiinta dhiggooda ah ee dalalka Afrika suuq cusubna raadiyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment