912 Views

Taalibaan oo sheegay in dadka oo dhan aysan tagi karin garoonka diyaaradaha ee Kabul

Taalibaan oo sheegay in dadka oo dhan aysan tagi karin garoonka diyaaradaha ee Kabul
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

Hogaamiyeyaasha kooxda Taalibaan, ayaa BBC-da u sheegay in dadka reer Afghanistaan ee tagaya garoonka diyaaradaha Kabul ay yihiin kuwa ay u fududeeyeen Mareykanka iyo xulufadiisa.

Waxaa sii adkaaneysa muwaadiniinta reer Afghanistan ee galaya garoonka diyaaradaha Kabul, xitaa haddii ay heystaan oggolaansho ay dalka dibaddiisa uga safri karaan.

Kooxda Taalibaan ayaa Tallaadadii ku dhawaaqday in aysan dooneyn in muwaadiniinta Aghanistaan ay dalka ka baxaan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Kabul, ayaa sheegaya in ay jiraan warar sheegaya in dadka reer Afgaanistaan oo ay ku jiraan qaar turjumaan u ahaa milatariga Mareykanka oo sheegay in ay haystaan fiisooyin oo iyagana dib loo celinayo.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post