366 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha Guud ee QM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha Guud ee QM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka Al-Shabaab, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post