2268 Views

Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2018 –   Sidda ay Qaranimo u xaqiijiyeen dadka degaanka Gaari waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen ayaa wuxuu ku qarxay xaafadda Nuur Aduunyo ee degmada Dharkeenley.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Dharkeenley.

Qaraxa ayaa ahaa Miinadda Nooca dhajiska, waxaana lagu xiray gaari Sruf ah, oo la sheegay in uu lahaa shaqsi ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa wuxuu hor yaalay guri ku yaallo Xaafadda Nuur Aduunyo, markii ninkii lahaa uu ka shakiyayna waxaa uu u yeeray ciidamada Ammaanka ee degmada.

Laba Askari ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa.

Labadda Askari ee dhaawacantay ayaa la sheegay in shaqsiga lahaa gaariga qarxay uu wacay markii uu ka shakiyay in Qarax lagu xiray gaarigiisa markii ay goobta yimaadeena uu qarxay.

Dhaawacyada labada askari ayaa laga soo qaaday goobta, waxaana halkaasi tagay Ciidamo Boolis ah oo baaritaan ka wada goobta ay wax ka dhaceen.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment