684 Views

Kenya oo bilaawday qorsho ay ku dooneyso in looga qaado Xayiraada qaadka

Kenya oo bilaawday qorsho ay ku dooneyso in looga qaado Xayiraada qaadka
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 09, 2020 –
Xoghayaha  Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau  ayaa sheegay in dowadda Kenya ay dadka Soomaaliyeed u fududeyneyso Fiisaha dal ku galka si uu u bilaawdo xiriirka Ganacsi ee laba dowladood oo bilihii u dambeeyay hakad galay.

Xoghaye Secretary Macharia Kamau  waxaa uu sheegay in socdaal uu dhawaan ku yimid Muqdisho uu bilaabay qorsho ku aadan in Kenya ay Soomaalida u fududeyso Fiisaha dal ku galka, arrintaas oo uu sheegay in uu kala hadlay Dowladda Soomaaliya si xiriirka loo wanaajiyo.

Waxaa uu tusaalo u soo qaatay dalalka Turkiga, Itoobiya, Uganda & Jabuuti oo diyaaradahooda duulmaadyo toos ah ku ymaadaan Magaalada Muqdisho, taas oo qeyb ka ah xiriirka Ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaas.

“ Waxaan tegay Soomaaliya aniga iyo wafdi kooban oo ila socday oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya, si aan dib u eegis ugu sameyno xaalada diplumaasiyadeed ee Soomaaliya maadaama waqti adag la soo maray qorshahaas inta badana waa uu hirgalay ayuu yiri” Xoghaye Secretary Macharia Kamau .

Sidoo kale Xoghaye Secretary Macharia Kamau  waxaa uu sheegay in dalka Kenya ay ku nool yihiin Nus Malyuun Soomaali ah, halka Gudaha Soomaaliya ay ku nool yihiin 35,000 Kenyan ah, isla markaana mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay kala hadleen walaaca laga qabo xiriirka labada dowladood oo xun, kaas oo saameyn ku yeelan kara howlgalka Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ka wadaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa dhawaan Amray Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas inay wada-hadallo la furto dowladda Soomaaliya si Ganacsatada qaadka Kenya loogu fasaxo jaadka oo Dowladda Soomaaliya joojisay in dalka la soo geliyo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post