192 Views

Al-Shabaab oo laynaya waxgaradka Beesha reer Xaaji Saleebaan kadib dagaalkii Baxdo

Al-Shabaab oo laynaya waxgaradka Beesha reer Xaaji Saleebaan kadib dagaalkii Baxdo
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Rag ku hubeysanaa bistoolado ayaa xaley deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho dil ugu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faniinte.

Sidoo kale Nabadoon waxaa uu ganacsatada waa weyn ee dalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey howlgallo lagu baadi goobayo kooxda dilka fulisay.

Waa Nabadoonkii labaad oo Muqdisho lagu dilayo, iyada oo habeen hore xaafadda Juungal lagu toogtay Sheekh Salaad Ciise oo isna ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan gobolka Banaadir ay howlgallo ka wadaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Hay’adda Nabad Sugidda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post