1035 Views

Dad diidan Ahlusunna oo la sheegay inay ku sugan yihiin Dhuusamareeb

Dad diidan Ahlusunna oo la sheegay inay ku sugan yihiin Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 30, 2019 –Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha  Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada kusoo kordhay Magaada Dhuusamareeb iyo howlaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug.

 

Waxaa uu sheegay siyaasiga in Magalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin dad qaba dareen diidan Ahlsunna,hayeeshee uu sheegay in Madaxda Ahlusunna ay horay uga digeen inaysan ku abaal dhicin Madaxweynaha Galmudug oo  tegay Dhuusamareeb, kadib markii uu ka guuray Magalada Cadaado.

“Waxaa jira dad badan oo reer Galmudug ah, gaar ahaan reer Dhuusamarreeb oo qaba dareen Ahlusunna diid ah, waa dood la qabi karo, waxayse dadkaasi diidi karin in Ahlusunna ay deegaanka nabadeeyeen, Shabaabna ka daafaceen. horay ayaan Ahlusunna uga dignay in aysan Xaaf ka abaal dhicin ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur”.

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in mar uu uu booqasho ku tegay deegaano ka tirsan Galmudug uu safar sinabad ah ugu soo maray 600km, isla markaana  uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Amni darrada ka jirta Muqdisho aysan u rarin deegaannada Maamulka Galmudug.

 

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta dhaliilsan siyaasada ay ku Shaqeyso dowladda Federaalka,waxaana uu ka horyimaadaa tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Federaalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment