1029 Views

Degaannada Shabaab maamulaan oo saakay laga Ciidayo iyo Dowlada Somaliya oo aan waxba ka qaban karin

Degaannada Shabaab maamulaan oo saakay  laga Ciidayo iyo Dowlada Somaliya oo aan waxba ka qaban karin
____________________________________________________________________________

May 12 2021

iyada oo dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo inta badan dalalka Caalamka ay shaaciyen in Maanta la dhameystirayo 30-ka Bisha Soon ayaa waxaa jira degaano & degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya oo Maanta laga Ciidayo.

Degaannada laga Ciidayo ayaa waxaa Maamula Ururka Al-Shabaab, waxaana xalay ay ku dhawaaqeen inay Maanta tahay Ciid, isla markaana Bisha ay arkeen 8 Ruux oo ku sugan Gobolada, Hiiraan, Gedo iyo Baay & Bakool.

Sidoo kale waxaa jira meelo kamid ah Soomaaliya oo ay dowladda Gacanta ku heyso oo Maanta laga Ciidayo sida degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Guud ahaan Soomaaliya looga dabaal-dego Maalinta koobaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay bulshada kula dukadaan Goobo fagaarayaal ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post