1005 Views

Maraykanka oo digniin u diray Farmaajo iyo Rooble

Maraykanka oo digniin u diray Farmaajo iyo Rooble
____________________________________________________________________________

Talaado: September 21, 202


Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay lama huraan tahay in si degdeg ah loo dhammaystiro geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee haatan socda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbada Maraykanka ayaa lagu sheegay in khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble uu  halis ku yahay inuu sii adkeeyo geeddi socodka doorashada, loona baahan yahay in si degdeg ah oo nabad ah lagu xaliyo.

Maraykanku wuxuu weli ka welwelsan yahay in doorashooyinkan ay mar hore dib uga dhaceen xilligii loo qorsheeyay islamarkaana uu dib-u-dhac kasta oo dheeraad ah uu kordhinayo suurtagalnimada in dalku cagaha la galo rabshado.

“Anagoo ka duulayna danta aan wadaagno si aan u hubinno in geeddi socodka doorashooyinku uu horey u socdo, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka fogaadaan hadallada ama ficillada sii kicinaya khilaafkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonto horumarinta qorshaha la-dagaallanka argagaxisada ee dalka iyo in dowladda soo socota fursad loo siiyo inay daboosho baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post