1143 Views

Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL August 11, 2019 —Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.

 

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad.

 

 

 

Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu imaanaya Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

 

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

 

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment