237 Views

War deg deg ah: Taliska NISA oo shaaciyay goor dhawayd oo caawa ah in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab oo oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta

War deg deg ah: Taliska NISA oo shaaciyay goor dhawayd oo caawa ah in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab oo oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta
____________________________________________________________________________

 

Sabti: DECEMBER 17, 2022

 Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagga degaanka Juxaay.

Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), kaas oo bayaanka dowladda lagu sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu horeyn lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday  dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.”

Sarkaalkaan ayaa ka mid ahaa Shabaab-kii lagu laayey degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, waxaan lala dilay 87 dagaalame, sida lagu shaaciyey warkaan.

“Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta waxaa lagu yiri “Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo kuwa caadaystay gaboodfallada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.”

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post