1158 Views

Sawirro:-Aqalka Sare Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Sawirro:-Aqalka Sare Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Doorashooyinka Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad.

Agendaha kulanka maanta ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim.

Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020.

 

Intaa kadib, xubnaha Golaha ayaa Su’aalo ka weydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment