1377 Views

Muqdisho waxay u baahan tahay dhowr dhalinyaro oo la mid ah; Abu Azrael [Iraqi Rambo]

Muqdisho waxay u baahan tahay dhowr dhalinyaro oo la mid ah; Abu Azrael [Iraqi Rambo]
____________________________________________________________________________

 

Jimco, May 8, 2020 | [Qaranimo Online] | Adigoo Muqdisho jooga marka aad maqasho dil loo gaystay qof bulshada dhexdeeda muctarif ka ah, oo ay toogasho ku dileen kooxda Alshabaab waa dhacdo aan dhagaha dadka ku cusbayn, waxaa sidoo kale caadi iska noqotay in aad maqasho qofkii dilkaasi gaystay wuu baxsaday.

DHOWAAN waxaan ku soo baxay koox dhalinyaro ah oo ka sheekaysanaya dil loo gaystay mid ka mid dadka dagan xaafadooda, oo meel kula shaahayay dad ay saaxiibadii ahaa oo ay toogasho ku dileen kooxaha ku caanka ah gumaadka bulshada.

Mid ka mid ah dhalinyaradii ayaa isaga oo ay wajigiisa murugo ka muuqato, wwaxa uu saaxiibadii ku yiri:

“Dadka Muqdisho ku dhaqan [intooda badan] damiir ahaan waa dad dhintay, waxaan dhibaatada kaga bixi la’nahay waxay tahay in maalin walba qof bulshadan waxtari lahaa wiil yar oo xaragoonaya oo bastoolad wata inuu horteena ku dilo, haddii ay dadku isku niyad yihiin wiilkaas 2 qofood oo keliya ayaa ku filan, ee qof kasta markii uu xabbada maqlay ayuu naftiisa la baxsaday, maanta hebel bay middidu saaran tahay, berri waa adiga, saadambe na waa aniga”

Wiilkii markuu intaas yiri ayaa mid kale soo booday, isna wuxuu yiri:

“Ma taqaanaa Abu Azrael oo loo yaqaan [Iraqi Rambo].? waa nin dhalinyaro ah oo ka dhiidhiyey falalka ay gaysanayaan kooxda Daacish ee Ciraaq markaas ayuu qoriga u qaatay inuu la diriro isaga oo sameystay ciidan gaar ah, wuxuu horseeday in magaalooyinka waaweyn ee Ciraaq laga suuliyo Daacish, wuxuu halgankiisa bilowday markii uu u gegsan waayey jariimooyinka ay kooxahaasi gaysanayaan”

Sawirka laga dheehan karo dareenka dhalinyaradaasi ka muuqda ayaa ku tusinaya heerka quusta ah ee ay ka joogaan dhiiga maalin walba ay sida micna darrada ah u daadinayaan kooxaha manaxayaasha ah.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment