2334 Views

C/Fitaax Xaaji C/Lle” Eng Yariisow Muqdisho Ballaarin Kama Rabto, Ee Maqaam Ha U Raadiyo”

C/Fitaax Xaaji C/Lle” Eng Yariisow Muqdisho Ballaarin Kama Rabto, Ee Maqaam Ha U Raadiyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 01, 2018 —Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa marka hore faah faahin ka bixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolkaas.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose qaarkood aysan aheyn kuwo wadashaqeyn ka dhaxeysa,isla markaana saraakiisha ciidamada ay dhowr mar kala hadleen.

Waxa uu sheegay in Ciidamada qaarkood ay isbaarooyin dhigtaan Wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka,waxana uu sidoo kale sheegay in Ciidamada sida wanaagsan u Sahqeeya ay yihiin kuwa Guutada 14-ka Octoober ee dhawaan la geeyey gobolkaas.

Dhinaca kale isaag oo sii hadlayay ayuu soo hadal qaaday hadal Maalin ka hor ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng,Yariisow oo ahaa in muqdisho la ballaarinayo,isla markaana la gaarsiinayo degmada Afgooye.

Waxa uu sheegay in Duqa muqdisho laga doonayo in Muqdisho aysan ka rabin ballaarin balse ay u baahan tahay Muqdisho in maqaamkeeda la raadiyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment