564 Views

Xildhibaanada Federaalka ee laga Soo Doorto Puntland oo Codsi ugudbiyay P.M Xamse Kadib Dagaalki Bosaaso

Xildhibaanada Federaalka ee laga Soo Doorto Puntland oo Codsi ugudbiyay P.M Xamse Kadib Dagaalki Bosaaso
____________________________________________________________________________


Talaado: July 12, 2022

Qaar kamida xildhibaanada laga soo doortay Puntland ayaa xalay kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ay kala hadleen dagaalkii Boosaaso oo sababay dhimashada dad gaaraya 15 ruux iyo dhaawacyo intaasi kabadan.

Sida wararka laga helayo kulankaasi ay sheegayaan, waxaa ra’iisul waaaaraha laga dalbaday sidii dhaawacyada culus ee ka dhashay dagaalka ay dowladda ugu soo qaadi leheyd Isbitaalada Caasimadda ama dibadda si loogu daaweeyo.

Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu balanqaaday wax ka qabashada xaaladda caafimaad ee dhaawacyada oo qaarkood la soo sheegayo iney xaaladooda culus tahay, iyadoo maanta lagu wado in diyaarad loo diro, si Muqdisho loogu soo qaado.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Xildhibaanada xiriir khadka Taleefonka ay la sameeyeen Deni iyo Karaash, oo ay ka codsadeen in la qaboojiyo xaaladda Boosaaso iyo in wixii dhacay aan lagu xumeyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka.

Si kastaba, 12 askari iyo 3 qof oo shacab ah ayaa ilowareedyo kala duwan xaqiijiyeen in ay ku geeryoodeen dagaalkii ka dhashay diyaaradda gargaarka siddey ee DFS ee Boosaaso, halka dhaawacyada ay intaas ka badan yihiin, waxaana wali Boosaaso laga dareemayaa xiisad colaadeed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post