183 Views

Dhacdo ay dadka reer Nigeria ka argagaxeen oo ka dhacday gobolka Niger

Dhacdo ay dadka reer Nigeria ka argagaxeen oo ka dhacday gobolka Niger
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday isbitaal ku yaalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria, iyagoo dilay tiro dad ah, halka ku dhawaad​​20 kalena ay afduubteen – oo ay ku jiraan kalkaaliyeyaal iyo bukaanno.

Weerarka oo dhacay saacadihii hore ee shalay oo Talaado ahayd ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee mowjado weerarro ah oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo dadka afuudbta kaddibna madax furasho ka qaata.

Weerarkii lagu qaaday isbitaalka weyn ee deegaanka Lapai ee gobolka Niger ayaa argagax ku abuuray dad badan oo ku nool dalka Nigeria.

Barasaabka gobolka Sani Bello ayaa ku tilmaamay “fal xun oo bani’aadannimada ka baxsan, mudanna in la cambaareeyo”.

Waxaa u intaa ku daray in weerarka uu caqabad ku noqonayo bixinta adeegga caafimaadka ee gobolka.

Dadka la afduubay ayaa isugu jira shaqaale caafimaad, bukaanno iyo dadkii ehelkooda ahaa ee soo booqday.

Labo qof ayaa la sheegay in ay dileen dableyda weerarka ku qaadday isbitaalka guud ee magaalada Gulu.

Bukaannada soo haray ayaa waxaa loo wareejiyay xarumo kale oo caafimaad.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in qof bukaan ah uu sidoo kale dhintay intii loo sii waday xarumaha kale ee caafimaadka.

Ciidamada amaanka Nigeria ayaa la daalaa-dhacaya sidii ay u xakameyn lahaayeen amni-darrada baahsan ee dalkaas ka jirta.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post