885 Views

Wasiirka warfaafinta, oo ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Wasiirka warfaafinta, oo ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.
____________________________________________________________________________

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Fanaanka wuxuu muddo isbitaal ugu jirey xanuun la xiriira dhanka neefmareenka oo ugu dambeyn u geeriyooday, dhakhaatiirta la tacaaleysay Cabdi Cali Bacalwaan waxay sheegeen in uu haleeley xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Wasiirka Cismaan Dubbe, ayaa sheegay in fanaanku kamid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo qaranka u soo hurey wax kasta isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed.

Allaha u naxriistii Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii Hobalada Waabari isaga oo ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan siweyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen.

Sidoo kale waxaa uu ahaa mulaxan, waxaa uu ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana uu ku biirey fanka Soomaaliyeed sanadkii 1965tii.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post