873 Views

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaarey Kismaayo

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaarey Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubabda Hoose waxaa Maanta gaarey Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa , iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xubno uu kamid yahay Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayay tahay markii ugu horeysay ay tagaan Magaalada Kismaayo tan iyo dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

 

 

 

Doorashadaas Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday, iyada oo sheegtay in gebi ahaanba aysan waxba ka jirin,isla markaana wasaaradda Arrimaha Gudaha ay soo saartay Habraaca Doorashada Jubbaland si doorasho loo qabto.

 

Wafdiga Wakiilka Qaramada Midoobey ee gaarey Kismaayo ayaa waxaa ay halkaasi kulan kula leeyihiin Madaxweynaha Jubbaland,iyaga oo kala hadlaya arrimo la xiriira khilaafka dowladda & Maamulka Jubbaland iyo doorashada 2020/2021.

 

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana Magaalada Kismaayo ay Maanta ka duwan tahay maalmihii la soodhaafey,waxaana siweyn looga dareemay wafdiga gaarey halkaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment