981 Views

Muwaadin u dhashay Soomaali oo laga soo masaafuriyay Filand

Muwaadin u dhashay Soomaali oo laga soo masaafuriyay  Filand
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Laanta socdaalka ee dalka Finland ayaa waxaa lagu amray in ay dalka ka masaafuriso nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kaasi oo lagu eedeeyay inuu dambi ka galay dalkaasi, sida ay sheegtay Maxkamadda Sare ee dowladda Finland.

Muwaadinka la soo masaafurinayo ayaa waxaa lagu horey lagu xukumay 11 fal damniyeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhac, gacan ka hadal, iyo dilal inta udhaxeysa sanadihii 2010 iyo 2017.

Sidoo kale Maxkamada Sare ee dalka Filand ayaa ninkan ku xukuntay 18 bilood oo xabsi ah, iyadoona maxkamada ay sheegtay in ninkan uu halis ku yahay inuu sii joogo dalka Filand.

Maxkamadda ma shaacin magaca ninka iyo sawirkiisa, hayeeshee waxaa ay tilmaamtay in ay baahintooda marka dib looga celiyo Soomaaliya.

Horey Booliska dalka Filand ayaa dalbaday  in la musaafuriyo ninkan sanadkii 2017-kii, balse ma suurtagalin.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Filand, iyadoona halkaasi dhibaatooyin badan ay ku haystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post