849 Views

Abaaro xoogan oo ku dhiftay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Abaaro xoogan oo ku dhiftay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Waxaa Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo laga soo sheegayaa abaar baahsan oo fara ba’an ku haysa dadka iyo duunyada deegaankaasi.

Waxaa guray calashii iyo warihii biyaha halka daaqna uusan jirin maadaama uusan labadii xilli roobaad ee ugu dambeeyay uusan deegaankaasi wax roob ah helin.

Abaarta ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa deegaano kale oo isla gobolka Gedo ah.

Ibraahim Aadan Guuleed oo ah guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ayaa BBC u sheegay in abaaraha ay saameeyeen dadka iyo xoolaha maadama ay biyo yareeyeen ceelashii biyaha ay ku tiirsanaayeen.

“Abaaro ba’an baa ka jira deegaanka oo dhibaato weyn u geystay dadka iyo xoolahaba sanadkii hore roobab lama helin deyrtii hadda aheyd roobab lama helin”

“Biyo la’aan iyo baad la’aan intaba dadkii wey saameysay..waririhii wey go’aaneen ceelashii wey biyo yareeyeen” ayuu yiri guddoomiyaha Ceelwaaq.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post