405 Views

Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada

Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in Maalinta Berito oo Arbaco ah la horgeeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan kadibna uu u soo magacaabo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble 17-kii Bishii September waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xukuumaddiisa ay soo martay marxalado kala duwan iyo khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynihii xilka baneeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post