747 Views

Dibad baxayadii ka socday Suudaan oo sii xoogeeystay

Dibad baxayadii ka socday Suudaan oo sii xoogeeystay
____________________________________________________________________________

.

Sabti: November 13, 2021

Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa waxaa ka socdo  mudaaharaadyo looga soo horjeedo go’aanadii ka soo baxay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, Cabdi Fitaax Al-Burhaan, kaasi oo 15-kii bishii Oktoobar ee ina dhaaftay soo saaray, in la kala diro dhamaanba Golaha Siyaasadda Suudaan iyo Wasiiradda, dalkana lagu soo rogo xaalad degdeg ah.

Waxii waqtigaas ka danbeeyay guddiyada ka hortaga iyo badbaadada Khartuum, ayaa ku baaqay mudaharaadyo ay ugu magac dareen “malaayiin Careeysan” oo loogu soo horjeedo Afgambiga ay sameyeen golaha milatariga Suudaan oo uu hoggaaminaayo Cabdi Fitaax Al-Burhaan.

Sidokale mudaahadayaasha ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xirayaan dhammaanba Jidadka waaweeyn ee magaalada Khartuum.

Dibad baxyada ayaa sii xogeeystay kadib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay ugu baqeen mas’uuliyiinta Milatariga Suudaan inay dhowraan xuquuqda mudaaharaadayaasha, Ciidamadan ay dhabarka saartaan ilaalinta ammaanka dibad baxayaasha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post