495 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Lafta-gareen oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed  Lafta-gareen oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 30, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel-gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Garoonka Diyaaradaha Wafdiga Madaxeynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka,Wasiiro,Xildhibaano,Maamulka Gobolka Baay,Kan Degmada Baydhabo,Odeyaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.

Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo wafdigiisa ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka sameeyeen kulamo kala duwan oo ay la qaateen Mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Intii uu Muqdisho ku sugnaa Madaxweyne Lafta-gareen wuxuu kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur kaas oo ay iskaga xog-waraysteen Xaalada dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saamaysay Abaarta, kuwaas oo ku nool gobolada Koonfur Galbeed.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post