864 Views

Shirkada Twitter oo ka digtay Ra’iisul Wasaaraha Slovenia oo u “ Hambalyeeyay” Trump, ayada oo aysan meel u dhicin USA

Shirkada Twitter oo ka digtay Ra’iisul Wasaaraha Slovenia oo u “ Hambalyeeyay” Trump, ayada oo aysan meel u dhicin  USA
____________________________________________________________________________

Twitter-ka waxa astnaan digniin ah saartay farriin uu soo dhigay ra’iisul wasaaraha Slovenia, Janez Jansa, kaas oo u hambalyeeyay Donald Trump, wuxuuna “warbaahinta ku eedeeyay” in ay “xaqiiqada qarinayaan”.

Shirkadda Twitter-ka waxay farriintaas ku hoos qortay: “Saraakiisha Rasmiga ah waxaa suuragal ah in aysan weli ka hadlin tartanka, markii farriintan la soo dhigayay Twitter-ka”.

Jansa wuxuu si joogto ah uga hadlayay taageerada uu u hayo Trump iyo shuruucdiisa siyaasadeed, tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Slovenia, bishii march ee sannadkan.

Sidaan horey u sheegnay, codad badan oo laga dhiibtay gobollada muhiimka ah ayaa weli la tirinin, sidoo kalena Trump iyo Biden, midkoodna ma sheegan gal guul xilligan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post