747 Views

Hotelada Muqdisho oo buux dhaafiyeen Odayaal dhaqameedyo ku heeb ah Farmaajo oo laga keenay a Jubaland si loo dhiso Jubbland uu Madaxweyne ka yahay C/rashiid Janan.

Hotelada Muqdisho oo buux dhaafiyeen Odayaal dhaqameedyo ku heeb ah Farmaajo oo laga keenay a Jubaland si loo dhiso Jubbland uu Madaxweyne ka yahay  C/rashiid Janan.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

 Xili maamulka Jubbland uu kala qeybsan yahay ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho imaanayay Odayaal ka soo jeeda Jubland gaar ahaan Beesha uu ka dhashay Farmaajo ee Mareexaan, kuwaas oo diyaarado looga soo qaaday Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in odayaashan ay la kulmeen wasiirka arrimaha gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, si loo dhiso Maamul kale oo ka madax banana axmed Madoobe oo uu Madaxweyne ka yahay C/rashiid Janan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo uu ku jiro wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo loo qabanayo odayaashan oo badankood ku beel ah madaxweyne Farmaajo.

Kulan dhacay Talaadadii ayaa qoraal ay wasaaradda kasoo saartay lagu yiri “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland.”

“Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.”

Sidoo kale Odayaashaan oo la dejiyay hoteelo ayaa loo sheegay in ay ka qeyb geli doonaan kulamo kale oo looga tashanayo dhismaha Jubaland cusub, oo loo wado in uu Madaxweyne ka Noqdo C/rashiid janan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post