789 Views

Madaxweyne Joe Biden oo sheegay in isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Japan Yoshihide Suga ay ka go’antahay inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan

Madaxweyne  Joe Biden oo  sheegay in isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Japan Yoshihide Suga ay ka go’antahay inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Japan Yoshihide Suga ay ka go’antahay inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan ka hortagga caqabadaha Shiinaha iyo Kuuriyada Woqooyi, kaddib shirkii ugu horreeyay ee Biden uu Aqalka Cad ku martigaliyo hoggaamiye shisheeye.

Biden ayaa suxuufiyiinta u sheeegay kaddib kulankii uu la qaatay Suga inay isla meel dhigeen in dhidibada loo adkeeyo isbaheysiga labada dal, wuxuuna caddeeyay inay ka wada shaqeyn doonaan wajahitaanka caqabadaha ka iman kara China, sida arrimaha badda bariga iyo koofurta China, iyo sidoo kale Kuuriyada Woqooyi.

Madaxweynaha Mareykanku wuxuu ku tilmaamay wadahadalladan inay ahaayeen “kuwo miro dhal ah” wuxuuna sheegay in Mareykanka iyo Japan ay sidoo kale isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa dadaallada tallaalka caalamiga ah ee COVID-19 iyo sidoo kale in sare loo qaado horumarka cusub ee teknolojiyadda, oo ay ka mid yihiin adeegga 5G iyo aalada sirdoonka.

Ra’isul Wasaare Suga waa hogaamiyihii ugu horreeyay ee shisheeye ee wadahadal fool ka fool ah la yeesha Biden tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Intii aan wadahadalku bilaaban jimcihii, Biden wuxuu weriyeyaasha ugu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo hoggaamiyaha dal uu ugu yeeray ‘Wehel iyo Saaxiib wanaagsan”.

Kahor kulanka labada hoggaamiye, Wasaarada Arrimaha Dibadda ee China ayaa Japan uga digtay arrin ay ugu yeertay “in lagu marin habaabiyo wadamada qaar ee aragtida eexda ah ka qaba Shiinaha.”

Japan waxay martigalisaa qiyaastii 55,000 oo Ciidamada Mareykanka ah, waxayna labada dhinac si joogto ah ugu sifeeyaan isbahaysigooda inuu yahay mid udub dhexaad u ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda Asia.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post