528 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo sheegay inuu u badinayo Ruushka inuu weerari doono Ukraine Hanjabaadna u diray

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo sheegay inuu u badinayo Ruushka inuu weerari doono Ukraine Hanjabaadna u diray
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu u badinayo Ruushka inuu weerari doono Ukraine, balse wuxuu ka digay inuu Mareykanka uu ka bixinayo jawaab adag tijaabada u Ruushku tijaabinaya reer galbeedka.

Biden wuxuu sheegay inuu Viladmir Putin uu la kulmayo cunaqabateyn abidkii aan soo marin hadduu uu Ukraine weerar ku soo qaado.

Dowladda Ukraine oo xiisaddaasi xuddun u ah dhankeeda waxay sheegtay Ruushka inuu cabsi gelin ku hayo, iyada oo ku baaqday in la sameeyo dadaal kasta oo diblumaasiyadeed si dagaal loo baajiyo.

Xiisadda ka dhalatay ciidamada tirada badan ee uu Ruushka ku soo daabulayo xuduuda Ukrain ayaa cirka isku sii shareereysay maalmihii u dambeeyay.

Hogaamiyayaasha dalalka gaashaanbuurta Nato ayaa ka digaya waxa ay ku tilmaameen halista Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa digniin adag u diray dhigiisa Ruushka Putin.

Shir jaraa’id oo ku xusayay sanad guuradii ka soo wareegtay markii uu xilka qabtay ayuu , Mr Biden waxaa uu ku hanjabay in haddii Vladimir Putin uu weerar ku qaado Ukraine uu ku soo rogi dono cunaqabatayn aysan waligood mid la mid ah arag.

Madaxwayne Biden ayaa intaa ku daray in hogaamiyayaasha gaashaanburta Nato ay ku mideysan yahiin baahida loo qabo in ay tallaabo qaadaan haddii Ruushka uu weeraro Ukraine.

“Waxay ku xirnaan doontaa sida ay wax u dhacaan, balse haddii ay dhab ahaantii sidaa sameeyaan oo ay adeegsadaan ciidamada ay xadka Ukraine soo dhoobeen waxay noqon doontaa musiibo Ruushka ku timid, waa haddii ay isku dayaan iney Ukrine qabsadaan. Xulafada iyo saaxibbadeenadaba waxay diyaar u yihiin inay qasaaro iyo waxyeello la taaban karo u geystaan Ruushka iyo dhaqaalahiisaba.”

Tiro ka mid ah wadamada Miwowga Yurub ayaa ka walaacsan saameynta ay cunaqabataynta Ruushka ku yeelaneyso dhaqaalaha dalalkooda.

Hase yeeshee madaxwaynaha dalka Mareykanka Jeo Biden ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku uusan awoodin in uu Yurub ugu hanjabo in uu gaaska ka jari doono.

“Qof kastaa wuxuu ka hadlayaa sida Ruushku u maamulo tamarta Yurub ay isticmaasho. Bal qiyaas waxa dhacaya? Lacagta ay ka helaan tamarta ay Yurub u dhoofiyaan waxay uga dhigantahay 45% dhaqaalaha Ruushka. Uma arko in ay tahay saameyn hal dhinac ah. Balse haddii ay gooyaan, waxay la mid tahay hooyaday hadalkii ay i oran jirtay: sanka ayaan kaa qaniina si aad wejigaaga ii tusto.”

Madaxwayne Biden oo la waydiiyay su’aal ahayd waxa uu filayo in uu yahay qorshaha Vladimir Putin ayaa ku jawaabay.

“Waxaan u maleynayaa inuusan weli rabin inuu qarxo dagaal buuxa. Miyaan u qaataa inta awoddiisa ah inuu ku tijaabin doono awoodda reer Galbeedka, tan Maraykanka iyo tan gaashaanbuurta NATO? Haa, waxaan filayaa inuu taa sameyn doono. Laakiin waxaan filayaa inuu wax badan uu ku bixin doono oo uu hadda uu u maleyneyn inuu qiima intaa le’eg ay ugu kacayayso, waxaanna filayaa inuu ka shallayn doono haddii uu sidaa sameeyo.”

Moscow ayaa beenisay in ay qorsheynayso in ay weerar ku qaado dalka Ukraine, balse waxa ay ciidamo badan soo dhoobtay xudduuda labada dal.

Ciidamo lagu qiyaasay 100,000 oo askari ayaa ku sugan mel u dhaw xuduuda labada dal.

Dhanka kale Isniintii, xoghayaha difaaca ee Ingiriiska Ben Wallace ayaa ku dhawaaqay in Britain ay siineyso Ukraine gantaalada riddada gaaban ee lidka taangiyada si ay isuga difaacdo. Waxa uu sheegay in koox yar oo ka tirsan ciidamada Britain ay sidoo kale bixin doonaan tababaro.

Mr Wallace ayaa mar sii horeysay uga digay Moscow in ay jiri doonto “cawaaqib” ka dhalan tallaaba kasta oo Ruushku u qaado dhanka Ukraine. Britain waxay u taagan tahay inay ka hortagto oo ay istaagto” cagajuglaynta”, si kasta oo uu khilaafka u fogaado, ayuu yiri,

Xukuumadda Washington waxay ku adkaysanaysaa in uusan jirin wakhti badan oo la lumiyo tallaabo deg-deg ahna la qaado.

Kremlin-ka ayaa meesha ka saaray sheegashada Washington waxa uuna ku tilmaamay “mid aan sal lahayn”.

Reer galbeedku haatan waxa ay isku dayayaan inay ka hortagaan waxa imaan kara ama tallaabada xigta ee Ruushka qaadi karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post