333 Views

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden cambaareeyay qaraxii argagixiso ee daraad ka dhacay magaalada Istanbul

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden cambaareeyay qaraxii argagixiso ee daraad  ka dhacay magaalada Istanbul
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden Tobias Bilstrom ayaa cambaareeyay qaraxii argagixiso ee daraad  ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Sida had iyo jeer, waxaan garab istaagnaa dadka ku nool wadamada uu saameeyay falkan argagixisanimo,” ayuu yiri Billstrom.

Bellstrom ayaa maanta oo Isniin ah ka qayb galay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ee Brussels. Waxa uu sheegay in dhacdadani aysan “wax saameyn ah ku yeelan doonin” wadashaqeynta Sweden ay la leedahay Turkiga ee ku saabsan codsigeeda xubinnimada NATO.

“Dabcan waxaan sugeynaa natiijada ka soo baxda baaritaanka booliska ee ay sameyn doonaan madaxda Turkiga. Intaa ka dib, waxaan soo saari doonaa gabagabada.”

“Dabcan, sida had iyo jeer, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno mas’uuliyiinta booliiska ee dalalka oo dhan marka ay timaado argagixisannimada. Arrinkan, waxa kale oo aanu haynaa qoraal ay ku saxeexan yihiin dalalka Sweden, Finland iyo Turkiga, kaas oo sidoo kale sheegaya in aanu iska kaashan doono arrimahan oo kale. Sida laga soo xigtay TT.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Istanbul ayaa sababay dhimashada 6 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah iyo dhaawaca in ka badan 80 qof. Maamulka Turkiga ayaa sheegay in ay xireen haweeneydii weerarka geysatay, iyagoo caddeeyay in ay dhalasho ahaan ka soo jeedo Suuriya, ayna “la soo tababartay xisbiga shaqaalaha Kurdistan”. Maamulka Turkiga ayaa ku eedeeyay PKK iyo xisbiga Democratic Union Party inay ka dambeeyeen weerarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post