618 Views

Kumannaan dibadbaxayaal ah oo hor tuban madaxtooyada Suudaan

Kumannaan dibadbaxayaal ah oo hor tuban madaxtooyada Suudaan
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee madaxtooyada caasimadda Suudaan ee Khartuum iyagoo ku dhawaaqaya earyo ka dhan ah dowladda, middaas oo ay ku eedaynayaan dhibaatada haysata dhaqaalaha.

Dibadbaxa ayaa waxaa ku baaqay siyaasiyiin lala xiriiriyay xubno sarsare oo ka tirsan milateriga oo diiddan nidaamka xukun madani ah loogu wareejinayo awoodda dalka.

Kooxda isugu jirta milateriga iyo rayidka ayaa waxa ay wadaagayeen awoodda labadii sanadood ee la soo dhaafay ee xigtay markii xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir

Iyadoo xiisadda siyaasadeed ay cirka isku sii shareerayso, ayaa ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdook waxa uu Jimcihii sheegay in Suudaan ay dhibaato wayn ku dhexjirto, waxa uuna ku celceliyay sida ay uga go’antahay sidii loo heli lahaa qaabkii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashooyin dimuqraadi ah.

Dibadbax midkaas ka soo horjeedo ayaa waxaa lagu baaqay in la qabto Khamiista kaas oo lagu taageerayo xukunka madaniga ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post