1077 Views

Tirinta codadka Doorashada Somaliland oo wali socota

Tirinta codadka  Doorashada Somaliland oo wali socota
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Qeybo badan oo ka mid ah jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqdey ee Somaliland, waxaa wali ka soconaya tirinta codadka doorashadii golahayaasha wakiillada iyo tan deegaanka ee isniintii halkaasi ka dhacday, iyadoo natiijada kama dambeysta ahi la filayo inay qaadato muddo.

Xog ay heshay BBC-du ayaa sheegeysa in xitaa ay suurtagal tahay in maanta aan la shaacin natiijada kama dambeysta ahi, balse guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xalay warbaahinta u sheegay in roobab ka da’ay gobollada barriga Somaliland ay sababeen inay wax iska badalaan ku talo-galkoogii dhanka natiijada doorashada.

Inkastoo meelaha qaar la soo gaba-gabeeyay tirinta codadka, haddana si rasmi ah looma shaacin natiijada, waxaase jirta in xisbiyada iyo musharrixiinta tartamaya ay helayaan xogaha hordhaca ah ee ku saabsan codadka, iyo sida loo kala helay maadaama ay wakiillo u joogaan gobollada kala duwan dhammaantood.

Doorashadani oo baaqatay laba jeer oo hore ayaa waxay noqonaysaa tii todobaad ee Somaliland ka dhacdo, tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, muddo haatan laga joogo 30 sano.

In kabadan 2,700 oo xarumood ayay codbixintu ka dhacday, iyada oo dadka isu diiwaan geliyay ay gaarayeen in kabadan hal milyan oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post