1299 Views

Norway oo dib u fureysa Safaaradeedii Magaalada Muqdisho

Norway oo dib u fureysa Safaaradeedii Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Elin Bergithe Rognlie, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal.
Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post