1188 Views

Tariibayaal doonayay in ay galaan Yurub oo badda ku geeriyooday

Tariibayaal doonayay in ay galaan Yurub oo badda ku geeriyooday
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa sheegay in siddeed qof oo tahriibayaal ah ay dhinteen kaddib markii doonidii ay la socdeen ay muddo toddobaad ka badan dul-sabaynaysay badweynta Atlaantigga ee koonfurta jasiiradda Gran Canaria.

Sidoo kale kooxaha Gurmadka deg dega ah ayaa saacadihii hore ee Axadda maanta loogu yeeray doon ay saarnaayeen laba iyo lixdan qof.

Toddoba qof ayaa hore u dhintay, halka qof siddeedaadna wuxuu dhintay goor dambe.Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa lagu qaaday diyaarad helikobter ah sababtoo ah xaalladooda ayaa liidatay. Habeenimadii Sabtida ee aynu ka soo gudubnay-na, soddon iyo lix qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay doon kale oo badda ah.

Jasiiradaha Canary waa marinka ugu weyn ee muhaajiriinta Afrikaanka ah ee isku dayaya inay galaan wadamada Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post