1416 Views

Maraykanka, oo ku eedeeyay Shiinaha in siyaasaddiisa arimaha dibedda ay tahay mid xoog ah iyo n caburin

Maraykanka, oo  ku eedeeyay Shiinaha in siyaasaddiisa arimaha dibedda ay tahay mid xoog ah iyo n caburin
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku eedeeyay Shiinaha in siyaasaddiisa arimaha dibedda ay tahay mid xoog ku salaysan halka gudahana uu shacabkiisa caburiyo.

Waxa uu intaa raaciyay in xukuumadda Beijing ay u dhaqmeyso si cadowtinnimo leh.

Xoghayaha ayaa sheegay in Washington aanay dooneyn inay hoos u dhigto awoodda Shiinaha, balse aanay aqbali doonin in dalkaas uu wiiqo waxa uu ku tilmaamay hannaanka caalamka ee ku salaysan kala dambeynta sharciga ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha shiinaha XI Jinping ay arrimo qoto dheer ka wadahadleen markii ugu horeysay ay khadka talefoonka ku wada xirireen

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post