675 Views

Jubaland oo shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbaharey

Jubaland oo shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbaharey
____________________________________________________________________________

 axad: February 13, 2022

Mas’uuliyiinta Golaha Fulinta iyo xubnaha ku jira baarlamaanka Jubbaland ee ka soo jeedo gobolka Gedo ayaa shaaciyey in doorasho aysan ka dhici karin magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Xubnahaan ayaan Madaxweynaha Jubbaland u soo jeediyey in laga fikiro oo la raadiyo xal suurta gelin kara qabsoomida doorashada 16 kursi oo taalla magaalada Garbahaarey.

Bayaanka ka kooban todoba qodob oo xubnahaas ay soo saareen waxay ku sheegeen in caqabadaha ka jira gobolkaas ay laf-dhabar u tahay hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo ciidamo badan oo la yiraahdo Duufaan ku daabushay Gobolka Gedo.

Waxay sheegeen in ciidanku ay dadka gobolkaas ku nool ay ku hayaan cadaadis iyo cabsi gelin xoog leh, sidoo kale waxay sheegeen NISA ay gobolka Gedo ka bilaawday isku hubeynta beelaha, taas oo sida ay sheegeen horseedi karta xaalad amni daro iyo gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta taalla Garbahaarey.

Ilaa sideed beelood oo kuraastoodu Garbahaarey ayaa bayaankaan lagu sheegay inay si buuxda isku hubeeyeen, taas oo hadii muran ka dhasho doorashada Garbahaarey keeni karta gacan ka hadal dhex mara beelaha kursi wadaagta ah, sida lagu sheegay qoraalkaan.

Xubnahaan ayaa qeybaha dambe ee bayaankooda tala ahaan waxay ugu soo jeediyeen, “Iyadoo la tixraacayo caqabadaha xilligaan ka jira deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo baahida loo qabo in doorasho dalka uga dhacdo waqtigii loo asteeyey, waxaan soo jeedineynaa in laga fikiro xal kale oo suurta gelinaya qabsoomidda doorashada 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.”

Gobolka Gedo ayaa hadda ka maqan gacanta Jubbaland, waxaana maamusha dowladda federaalka oo cudud ciidan uga qabsatay Jubbaland, dhamaan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaas waxaa ka howlgala ciidamo u badan NISA iyo Gor Gor, waxaana laga war-sugayaa sida ay suurta-gal u noqon karto doorasho ay maamuleyso Jubbaland oo ka dhacda Garbahaarey.

 Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post